LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts
🚨Wakaaladda wararka Iiraan ee Fars, ayaa shaaca ka qaaday in Madaxwaynaha Iiraan, Masoud Pezeshkian uu ka mid ahaa dadkii ku dhaawacmay weerarradii ay Israil ee gudaha Iiraan, intii uu socday dagaalkii 12 maalin ee June, markaa oo lugta uu dhaawac fudud ka soo gaaray.   Warbixintu waxay shaacisay in 16 June, ay si toos ah Israil u beegsatay goob sir ah oo ka tirsan qeybta hoose ee dabaq ku yaall waqooyiga Tehran, halkaa oo xilligaa uu ka socday kulan gaar ah oo ay lahaayeen golaha amniga qaranka Iiraan.   Mas’uuliyiinta Iiraan, waxaa u suurtagashay inay ka baxsadaan dhismaha iyagoo adeegsanaya marin degdeg ah, kaddib markii qaar ka mid ah ay dhaawacyo fudud.  Hay’adda sirdoonka Iiraan ayaa haatan wada baaritaano la xiriira suurtagalnimada in qof ka mid ah dadka kula joogay ama xubno sare oo kooban oo la socday ay la shaqeeyaan sirdoonka Israil.
DAAWO:WARWAYN GURMAD DEG DEG 🚨Madaxweyne Mustafe Cagjar iyo Maamulkiisa dowladd deegaanka ayaa noqday Gurmadkii ugu horeeyay ee gaara dadka Reer Hiiraan ee dagaalka kula jira muddo Sadex sanno ah Argagixisada”   Gurmad kayimid dowladd deegaanka ayaa maanta lagu Wareejiyay Maamulka Gobolka Hiiraan sidoo kale Taliyaha Guud ee Ciidanka gaarka Dowladd Deegaanka ayaa Balan qaaday inay ka Barbar dagaalami doonaan halgamayaasha Beesha Xawaadle ee la diriraya Argagixisada
🚨WAR DEG DEG  AH : QaraxUpdate: Qarxa oo ahaa mid uu fuliyay qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa ka dhacay gudaha kulyadda Jaalle Siyaad sida ay xaqiinayaan ilo kala duwan.  Waxaa la sheegay in qofka is qarxiyay aysan u suura gelin in uu ku soo dhawaado meel ay joogeen ciidamo ka tirsan dowladda oo saf ku jiray.  Wararka qaar ayaa sheegay in goobta ay joogeen tababarayaal caddaan ah oo dowladda Soomaaliya ka taageera dhanka ciidamada  Majiro wax war ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya sidoo kalana majirto wax qasaara ah oo la tabiyay halka qaraxa uu ka dhacay ee gudaha kulyadda Jaalle Siyaad ee degmada Hodon
WAR DEG DEG AH : 🚨  Moqokorri war kale ayaa kasoo kordhay illo Xogogaal ah ayaa sheegaya in dadka deegaanka oo dib isku abaabulay goordhaw dib u qabsadeen Kadib markii saakay kooxda Argagixisada ay qabsatay waa taariikh aan horey udhicin in goob Argagixisada qabsato saacado kadib lagalawareego
WAR WAR DEG DEG :Kooxda AS ayaa la wareegtay gacan ku haynta magaalada muhiimka ee Moqo kori oo dhacda gobolka Hiiraan.  Dagaal kooban oo dhex maray ciiddamada dawladda, dadka deegaanka iyo kooxda AS ayaa ugu dambayn sababay in kooxda AS ay halkaas la wareegan ka dib markii ay ka bexeen ciidanka dawladda Soomaaliya.  Moqo kori ayaa ahayd saldhigii ugu muhiimsanaa ciiddamada Macawislayda iyo kuwa dawladda ee gobolka Hiiraan waxana halkaas marar kala duwan booqday madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
.DEG DEG🚨Iran ayaa u sheegaysa malaayiin Afgaanistaan ah inay baxaan dalka ama ay waajihi doonaan xadhig   Dadkan Afgaanistaan ka ah ayaa la siiyay Axadda kama dambaysta iyadoo ay jiraan walaac laga qabo ammaanka ka dib markii ay isku dhaceen Israa'iil, laakiin kooxaha bani'aadamnimada ayaa ka digaya in masaafurinta tirada badan ay sii kordhin karto xasilloonida Afghanistan.  Malaayiin muhaajiriin Afgaanistaan ah iyo qaxooti ku sugan Iran ayaa laga codsaday inay ka baxaan ama ay wajahaan in la xiro maadaama waqtiga kama dambaysta ah ee ay dowladdu u qabatay uu dhammaanayo.  Maalintii Axadda ee la beegsanayey ayaa soo dhawaatay iyada oo ay dadku walaac ka qabaan ammaanka ka dib colaadda 12-ka maalmood ah ee ay Israa'iil kula jirtay , taas oo Maraykanku uu ku daray duqeymo xagga cirka ah oo lagu qaaday xarumaha lagu kobciyo Uranium-ka Iran.  Hasa ahaate ururada bini'aadantinimada ayaa ka digay in masaafurinta tirada badan ay sii khalkhal galin karto xasiloonida dalka Afganistan oo kamid ah wadamada aduunka ugu faqiirsan. Iran waxay hoy u tahay qiyaastii 4 milyan oo muhaajiriin Afgaanistaan ah iyo qaxooti , qaar badanna waxay ku noolaayeen halkaas tobanaan sano.  Sannadkii 2023-kii, Tehraan waxay billowday olole ay ku cayrisay ajaanib ay sheegtay inay dalka ku nool yihiin “si sharci darro ah”. Bishii March, dawladda Iran waxay amartay in Afgaanistaan aan haysan xuquuqda ay ku joogaan inay si iskood ah uga baxaan Axadda, haddii kale ay wajihi doonaan in laga saaro.  Tan iyo markaas, in ka badan 700,000 oo Afgaanistaan ah ayaa baxaY..
Load More That is All